DEG DEG: Maxaadan Ogeyn oo hada ka socda Magaalada Muqdisho iyo Madaxweyne Farmaajo oo…

Waxaa xiligan Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay laguna xusayo aas aaska Ururka Dhalinyarada SYL oo la aas aasay 15-ka May 1943-dii ayaa kasocota garoonka Kubada Cagta Banaadir ee kuyaala Degmada Cabdi Casiis.

 

Munaasabada waxaa ka qeyb galaya, Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Wasiiro katirsan Xukuumada, Xildhibaanada labada Aqal, Gudoomiyaha gobolka Banaadir , Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

 

Garoonka Munaasabada ka socoto waxaa Mahrajaan cajiib ah kusoo bandhigay dhalinyarada ciyaaraha gobolka Banaadir, waxaa sidoo kale garoonka lagu soo bandhigay heeso wadani ah iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka .

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo horey loo sheegay in uu ka qeyb galayo munaasabadan ka dhaceysa garoonka Banaadir ayaa ka baaqsaday, waxaana dadweynihii munaasabada kasoo qeyb galay Khudbad u jeediyay R/Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

 

Farmaajo ayaa tagay halka ay kutaalo Taalada SYL ,waxa uuna halkaasi dhigay ubax xasuus ah , waxa uuna Madaxweynaha hambalyo u diray Umada Soomaaliyeed munaasabada 15-ka May owgeed, waxa uuna ugu baaqay dhalinyarada in ay isku duubnaadaan.

Advertisements

qoraal noo reeb

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s